Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro oo Sawiro kula galay wiilka Trump Gudaha Hoteelka Shirka Dhaqaalaha Adduunka uu ka socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Davos ee dalka Switzerland, Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku faanay kulan casho-sharaf ah oo uu la qaatay Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, iyo xubno kale oo caalami ah.

Kulankan oo ka dhacay meel ka baxsan shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa Cirro waxa uu ku tilmaamay mid guul u ah xidhiidhka uu maamulkiisu la leeyahay dowladda Israel iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

​Waxa kale oo uu Madaxweynaha maamulka Somaliland si gaar ah u xusay in kulankaas uu qayb ka ahaa Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka.

Inkasta oo Eric Trump uu yahay shakhsi inta badan gacanta ku haya maamulka hantida iyo ganacsiga ballaadhan ee qoyskiisa, halkii uu xil rasmi ah ka hayn lahaa dowladda Maraykanka, haddana Cirro ayaa u muuqda mid muhiimad gaar ah siinaya joogitaanka wiilka Madaxweynaha Maraykanka ee kulankaas.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay goobta joogeen siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal kale oo caalami ah, taas oo uu u arko fursad kor u qaadaysa sumcadda maamulkiisa ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this