Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo maanta shaqaalihiisii kala baxay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Imaaraad-duqeyn.jpg?fit=720%2C512&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in maanta Imaaraadka Carabta uu bilaabay in magaaladaas uu kala baxo shaqaalahii ka joogay halkaas, sababo la xiriira fulinta go’aanka dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo joojisay wada-shaqeyntii Abu Dubai.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta garoonka Boosaaso laga dhoofiyay shaqaale intooda badan ka soo jeeda dalka Colombia, isla-markaana u shaqeynayay Imaaradka Carabta oo xiriir xooggan la leh Puntland.

Raritaanka muuqda ee qalabka iyo shaqaalaha Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa calaamad u ah sare u kac weyn oo ku yimid xiisadda iyo suurtagalnimada in Imaaraadku dib u habeyn ku sameeyo joogitaankiisa Soomaaliya, in kasta oo saameyntiisu ay weli xooggan tahay dhanka maamul-goboleedyada.

Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka ay dhawaan laaleen heshiisyadii amni iyo kuwii difaac ee horay loola galay Imaaraadka.

Arrintan ayaa sidoo kale daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Go’aankan waxaa kale oo uu soo afjarayaa siyaasadda is-barbar yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye.

Si kastaba, Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo dhawaan Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee  Yemen.

Sacuudiga ayaa si weyn u taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

The post Imaaraadka oo maanta shaqaalihiisii kala baxay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this