Deeq A. Posted yesterday at 04:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay askari shalay dhac baahsan ka gaystay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Liiban Mustaf Aadan, kaas oo laga arkay lkaamirda CCTV, isaga oo adeegsanayay mooto Fekon ah. Muuqaallada aya sidoo kale si wayn loogu faafiyay baraha bulshada, iyada oo dadweynuhuu dalbadeen in lasoo qabto eedeysanaha oo ugu dambeyn usoo gacan galay ciidamada ammaanka oo sameeyay dadaallo dheeraad ah. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane D/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu ka gaystay dhowr degmo oo ka mid ah Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo uu Boolisku intaas ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Boliiska Muqdisho ayaa sidoo kale bulshada ku wargeliyay haddii ay dhac ama fal amni-darro la kulmaan, in ay si degdeg ah u tagaan saldhiga ugu dhow, si tallaabo degdeg ah looga qaado dadka falalkaas fulinaya. Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada, waxayna horay gacanta ugu soo dhigeen burcaddii ugu badneyd oo dhibaato ka waday degmooyinka gobolka Banaadir. The post Booliska Muqdisho oo soo qabtay askari shalay ku kacay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites