Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Taliye qaybeed is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000120324.jpg

Taliyihii ciidanka booliska qaybta gobolka Raascasayr G/sare Mahad Cali Carcar ayaa xilkii iska casilay, kaddib markii sida uu sheegay ay nidaamka shaqo isku fahmi-waayeen taliye Muumin Cabdi Shire.

Warqad uu soo saaray taliye Carcar ayuu ku yiri “mudane madaxweyne aniga oo ah G/sare Mahad Cali Carcar waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa in aan iska casilay xilkii iyo mas’uuliyadii aan shacabka Soomaaliyeed ee Puntland u hayay…, maadaama aan isku fahmiweynay nidaamka shaqo taliska guud ee ciidanka booliska Puntland mudadii aan xafiiska joogay”.

Taliye Carcar ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsday in uu ka aqbalo is casilaadiisa.

Gobolka Raascasayr waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray xiisad iyo khalgal maamul oo ay sababeen khilaaf u dhexeeyay wasaaradaha maaliyadda & kalluumaysiga Puntland, iyo hubkii laga dejiyay markabka Sea World oo labo jeer lagu dhacay gobolkaas.

Sidoo kale waxaa gobolkaaas ku sugan Axmed Maxamed Jaamac (Jidgooyo) iyo ciidan uu wato, kuwaas oo dhawaan loo jaray waaran soo qabasho, kaddib markii lagu eedeeyay burcadnimo iyo dhac hanti dowladeed.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dhawaan mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ee heer gobolka iyo heer degmo uga yeertay magaalada Garowe, waxaana kulamo maalmo socday oo ay qaybgaleen qaar ka mid ah golaha wasiirrada looga hadlay xaaladaas gobolkaas iyo sidii wax looga qaban lahaa.

1000120312-1022x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this