Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka digtay colaad dhexmarta reer Sool iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1767270438056.jpg

Puntland ayaa ka digtay safar la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda ku tagayo magaalada Laascaanood, si uu uga qaybgalo caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu hurinayo colaad dhexmarta dadka dega gobolka Sool iyo maamulka Somaliland.

Wasiir Caydiid wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku daabulayso gobolka Sool, si buu yiri ay dagaal ula maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay qorshaynayo in ay deegaanno ka tirsan Puntland heshiis kula gasho dowladda Turkiga, si saldhigyo ciidan looga dhiso, taas oo uu tilmaamay mid colaad cusub ka abuurayso geeska Afrika.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this