Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo shaaciyay musiibo ku dhici karta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Fidan.webp?fit=864%2C486&ssl=1

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlayay wariyeyaasha ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Hakan Fidan ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil, wuxuuna ku tilmaamay arrin musiibo ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in arrintan ay ceeb iyo fadeexo ku tahay bulshada muslimka ah, loona baahan yahay is xakameyn dhab ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in madaxda Somaliland ay u adeegaaan ujeedo xun iyo danaha Israa’iil ee gobolka Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” ayuu mar kale yiri Hakan Fidan.

Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa madax-banaanida Soomaliya, wuxuuna garab istaagay dowladda federaalka, sidoo kale wuxuu bilaabay dadaallo heer caalami ah oo uu taageero ugu raadinayo Soomaaliya, isaga oo dhawaan Sacuudiga kala hadlay inay u midoobaan difaaca Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

The post Turkiga oo shaaciyay musiibo ku dhici karta Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this