Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga: Waa musiibo wayn aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000118299.webp

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in aqoonsiga israa’iil siisay maamulka Somaliland uu keeni karo musiibo wayn oo ku dhacda maamulkaas.

Wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland yahay mid loo adeegsanayo siyaasada gobolka ee Israa’iil, islamarkaana aysan jirin  musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho ama hay’ad siyaasadeed oo muslim ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland in uu yahay musiibada ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii” ayuu yiri Hakan Fidan.

Dowladda Turkiga waxaa ka mid tahay dowladaha sida adag uga hortimid go’aanka israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, islamarkaana garab is-taag u muujiyay dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this