Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.webp?fit=2560%2C1707

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay soo saartay go’aan lagu mamnuucayo diyaaradaha Dowladda Imaaraatka Carabta ee milatari iyo xamuul (cargo), kaddib warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Imaaraadku leeyahay ay si aan fasax lahayn u gashay hawada Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay si rasmi ah go’aankan ula wadaagtay Imaaraadka, isla markaana lagu xannibayo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha noocaas ah ee gudaha hawada iyo garoomada dalka. Go’aanka la xaqiijiyay, sida wararku sheegayaan, ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah ee caadiga u mara hawada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Soomaaliya Khamiistii shaacisay inay furtay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan eedeymo la xiriira adeegsiga “aan oggolaansho lahayn” ee hawada qaranka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay xaqiijinayso wararka ku saabsan duullimaad la sameeyay iyada oo aan la helin fasax sharci ah, arrin ay tilmaantay inay khatar ku tahay madax-bannaanida iyo nidaamka sharciga dalka.

Baaritaankan ayaa daba socda eedeymo ka yimid isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen, kaas oo sheegay in Imaaraadku ka qayb qaatay baxsashada Caydaruus al-Zubaydi, hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Isbahaysiga ayaa sheegay in al-Zubaydi uu marka hore doon kaga baxay Yemen kuna tegay Somaliland, kaddibna uu raacay diyaarad la sheegay inay martay hawada Soomaaliya, isla markaana sii aadday Muqdisho, ka hor inta aanay ugu dambayn u duulin saldhig milatari oo ku yaalla Abu Dhabi.

Soomaaliya bayaanadeeda kuma magacaabin al-Zubaydi, balse waqtiga iyo faahfaahinta la shaaciyay ayaa la jaanqaadaysa sheegashada isbahaysiga.

Dhacdadan ayaa sidoo kale sii iftiimisay khilaaf sii fidaya oo ka dhex aloosan xulafada Khaliijka ee ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Sacuudiga ayaa taageera midnimada Yemen ee hoos timaadda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha (PLC), halka Imaaraadkuna uu taageero aragtida STC ee ku wajahan in koonfurta Yemen yeelato maamul gooni ah.

Xiisaddu waxay sare u kacday toddobaadkan kaddib markii dowladda ay Sacuudigu taageerto ay al-Zubaydi ku eedeysay “khiyaano qaran” iyo dacwado kale, taas oo la xiriirtay maqnaanshihiisa wada-hadalladii Riyadh.

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya faahfaahin badan kama bixin eedeymaha si toos ah u tilmaamaya Imaaraadka, balse waxay adkaysay in Soomaaliya aysan aqbali doonin howlgallo hal dhinac ah ama dhaqdhaqaaq lagu marsiinayo dhulka iyo hawada Soomaaliya, gaar ahaan haddii aan la helin fasax cad iyo hannaan sharci oo la raaco.

Hay’addu waxay xustay in ixtiraamka madaxbannaanida iyo ku dhaqanka nidaamyada sharciga “aan laga gorgortami karin,” iyadoo intaas ku dartay in tallaabo kasta oo ka leexisa waddada wada-hadalka ee Riyadh ay wiiqi karto dadaallada diblomaasiyadeed.

Dhinaca kale, Soomaaliya weli si buuxda uma aysan qaadin tallaabooyin ballaaran oo la xiriira xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, oo eedeymo badan ku xiraya in Imaaraadka Carabta uu ka shaqeeyey islamarkaana fududeeyey.

Mamnuucidda diyaaradaha milatari iyo cargo ee Imaaraadka ayaa haddana loo fasiray inay Muqdisho isku dayayso inay adkayso maamulkeeda hawada, isla markaana ay ka hortagto in dhulkeeda iyo hawadeeda loo adeegsado arrimo xasaasi ah oo aan fasax laga haysan.

Wararka la helay ayaa sidoo kale xusaya in xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay sannadihii 2022 iyo 2023 la gashay Imaaraadka heshiisyo dhinaca amniga ah oo faahfaahintoodu aan si weyn u shaacsanayn, kuwaas oo la sheegay inay Abu Dhabi siiyeen dabacsanaan ku saabsan adeegsiga dhulka, cirka iyo hawada Soomaaliya.

Marka la eego go’aanka hadda la qaaday, tallaabadan waxay u muuqataa mid muujinaysa adkaynta siyaasadda Muqdisho iyo fariin ku saabsan jihada uu u socdo xiriirka labada dal.

The post Xog: DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this