Sign in to follow this  
Deeq A.

20 dowladood ka badan oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland, kuna baaqay…

Recommended Posts

Deeq A.   
d48a71d8-5e88-4692-ad5a-46d1981277f4.web

Qaahira (Caasimada Online) – In ka badan labaatan dal iyo urur caalami ah ayaa si wadajir ah ugu baaqay in Israa’iil ay si degdeg ah uga laabato tallaabada ay ku aqoonsatay Somaliland.

Tallaabada Israa’iil ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha dhuleed ee dalka.

Baaqan ayaa ku soo baxay bayaan ay wada saxiixeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Aljeeriya, Bangladesh, Comoros, Jabuuti, Gambia, Indonesia, Iiraan, Urdun, Kuwait, Liibiya, Maldives, Nayjeeriya, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiirradu waxay bayaanka ku sheegeen in “booqashadii mas’uul Israa’iili ah” uu ku tegay Somaliland 6-dii Janaayo 2026 ay ahayd mid sharci-darro ah, taas oo aheyd Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.

Waxay tallaabadan ku tilmaameen in tallaabadaasi ay si toos ah uga hor imanayso shuruucda caalamiga ah, mabaadi’da Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa si cad loogu muujiyay in aan la aqbali karin wax kasta oo taageeraya kala goynta ama dhiirrigelinaya ajandayaal gooni u goosad ah, maadaama ay sii hurin karaan xiisado siyaasadeed iyo amni-darro ka taagan Geeska Afrika.

Dalalka iyo ururka soo saaray bayaankan ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay muujiyeen diyaar garow ay ku garab istaagayaan Soomaaliya dhanka tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo danaha qaranka, isla markaana ugu baaqay Israa’iil inay ka noqoto aqoonsiga ay ku tilmaameen mid aan sharciyad lahayn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu halis ku yahay midnimada dalka, amniga qaranka iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci si looga hortago fara-gelinta shisheeye.

Wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xad-gudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu xusay in aqoonsi ku sheega Israa’iil ee Somaliland uu huwan yahay qorshe halis badan oo Israa’iil ku dooneyso dhul ballaarsi, uuna halis ku yahay amniga gobolka.

“Ujeedada aqoonsi ku sheegaas waa danta Israa’iil, oo raadineysa dhul ay isku ballaariso, oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo milatari, oo qalqal geliya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”

The post 20 dowladood ka badan oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland, kuna baaqay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this