Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee musuq-maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdisalaan-Dhaay-1.jpg?fit=2048%2C1364&

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyntii Mareykanka u jeediyay ee la xiriirtay in saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, isla markaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay musuqeen gargaarkaas, iyadoo sheegtay in dhamaan agabka gargaarka ee Mareykanku sheegay ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulka Hay’adda WFP.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warqabto war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP),” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladdu waxay caddeysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay warbixinnadaasi ay weli si buuxda ugu jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, oo ay ku jirto kaalmada ay bixiso Dowladda Mareykanka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in bakhaarka WFP ee arrinta laga hadlayo uu ku yaallo gudaha Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qeyb ka ah horumarinta guud ee dekedda.

Dowladda ayaa xaqiijisay in hawlahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan kaydinta, maamulidda, ama gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

“Iyadoo laga jawaabayo walaacyada ka dhashay hawlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay si joogto ah u eegayaan guddi farsamo oo isugu jira hay’ado kala duwan, kuwaas oo si dhow ula shaqeynaya hay’adaha gargaarka bani’aadannimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadannimada, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka, iyadoo muujisay qiimeynta ay u hayso iskaashiga ay la leedahay Dowladda Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan-qaadday in faah-faahino dheeraad ah la bixin doono marka dib-u-eegista arrintan la soo gabagabeeyo.

Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymaha musuq-maasuq ee ay u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”

Hakintan la shaaciyay ayaa kusoo biiraysa walaac soo jireen ah oo deeq-bixiyeyaashu ka qabeen kormeerka iyo leexsasashada gargaarka ee Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah dalalka dunida ugu badan ee gargaarka ku tiirsan, sidoo kalena ah jiid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.

Sanadkii 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageeradii raashinka iyo shidaalka ee uu siin jiray inta badan cutubyada milatariga Soomaaliya kadib markii ciidanku ay dhowr jeer ku guuldareysteen inay xisaabcelin ka sameeyaan sahayda. Si kastaba, 2019-kii, Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo taageero xaddidan oo la siinayo hal cutub oo Soomaali ah kadib dib-u-habeyn iyo kormeer la sameeyay.

Dhanka kale, deeq-bixiyeyaasha waaweyn ayaa marar kala duwan adkeeyay kantaroolka hawlaha bini’aadantinimo. Sanadkii 2023, Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hawlgallada WFP ee Soomaaliya, kadib markii baaritaan Qaramada Midoobay sameysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaal gargaarkii loogu talagalay ka hortagga macaluusha.

Inkastoo ay jiraan caqabadahaas, haddana Mareykanka ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee hawlaha gargaarka bini’aadantinimo iyo dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.

Df.webp?resize=696%2C876&ssl=1

The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee musuq-maasuqa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this