Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirqool ka dhan ah Ibrahim Traore oo la fashiliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116928.jpg

Dowladda militariga ah ee Burkina Faso ayaa sheegtay in ay fashilisay shirqool lagu dili lahaa madaxweyne Ibrahim Traore.

Wasiirka amniga Burkina Faso Mohamadou Sana, ayaa sheegay in qirshoolka uu soo maleegay hoggaamihii hore ee dalkaas Paul-Henri Damiba, kaas oo Kabtan Traore xilka looga qaaday 2022. Waxa uu xusay in shirqoolka laga soo maalgeliyay dalka Ivory Coast.

Dowladda Ivory Coast iyo hoggamiyihii hore ee Burkina Faso Paul-Henri Damiba ayaa weli ka hadlin eedeynta ay u soo jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Ibrahim Traore.

Waxaa jiray isku dayo afgambi oo badan oo la doonayay in xilka looga tuuro Kabtan Traore, kuwaas oo dowladda Burkina Faso ku eedeysay dalka Ivory Coast.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this