Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo hakiyay howlihii gargaarka Soomaaliya iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
1000117416-1440x810.jpg

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dhammaan howlihii gargaarka ee Soomaaliya, kadib markii bakhaar keyd raashin oo ku yaalla gudaha dekedda Muqdisho la jabsaday.

Bakhaarka la qabsaday ayaa la sheegay in ay taallay ilaa 76 tan oo cunto ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee Soomaaliya, waxayna Maraykanku uu arrintaas ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

Maraykanka ayaa xusay in dib u soo celinta gargaarka ay ku xirnaan doonto tallaabada ay qaaddo dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankeeda aan weli ka hadlin arrintan.

Sawiro iyo muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya bakhaar weyn oo dhinac jabsan yahay, kaas oo ka muuqdo magaca hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Raashinka gargaarka ah ee la sheegay in la dhacay ayaa xilligan waxaa baahi weyn u qabay dadka danyarta ah iyo kumanaan ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood cunto la’aan daran hayso.

Dowladda Maraykanka waxay hore dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeeysay in ay lunsatay raashin uu Maraykanku ugu talagalay ciidamada Danab ee xoogga dalka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this