Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo si adag u cambaareysay wixii shalay ka dhacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
610755098_34085973337668661_872216294107

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay safarkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar uu shalay ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa tegitaanka Sa’ar ee Hargeysa ku tilmaamay mid sharci-darro ah, isla markaana ah xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in beesha caalamka ay marar badan ku celisay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ah dal madax-bannaan kana tirsan Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa tallaabooyinka Israa’iil ku tilmaamay kuwo lagu doonayo kala-qaybinta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ay tahay tusaale halis ah oo wax u dhimaya xiriirka caalamiga ah, isla markaana dhirbaaxo culus ku ah saldhigyada sharci iyo qiyamka ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.

Ugu dambayntiina wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo dhexmara beesha caalamka, dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika, si looga hortago wiiqidda madax-bannaanida qaranka ee Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Gideon Sa’ar oo ahaa mid dhuumaleysi ah, ayaa loo adeegsaday diyaarad ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Romania oo lagu magacaabo Fly Lili.

Daqiiqado kadib, markii ay ka fogaatay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan, diyaaradda ayaa laga waayay radar-ka dadweynuhu kala socdaan duulimaadyada, iyadoo signalkeedu lumay, mana aysan shaacin halka ay u socoto.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay in maamulayaasha diyaaraddu ay xadeeyeen muuqaalka raadraaca duulimaadka, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka, shirkadaha diyaaraduhuna ay u baahan yihiin oggolaansho federaal ah si ay u galaan hawada Soomaaliya.

Maadaama aysan u badnayn in Israa’iil ay oggolaansho noocaas ah hesho, waxaa diyaaradda qasab ku noqotay in ay hawada Soomaaliya kusoo gasho si sharci-darro ah oo dhuumaalaysi ah. Tani waxay muujinaysaa in xitaa kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland, haddana ay weli xannibayaan shuruucda caalamiga ah.

Si kastaba, Booqashadan ayaa imaanaysa kadib markii Israa’iil ay 26-kii December si rasmi ah u aqoonsatay maamulkaas gooni-u-goosadka ah inuu yahay dal “madax-bannaan oo qaran leh”.

Go’aankaas ayaa la kulmay diidmo ballaaran oo heer gobol iyo heer caalami ah, iyo baaqyo isdaba-joog ah oo ku aaddan in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

The post Iiraan oo si adag u cambaareysay wixii shalay ka dhacay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this