Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu joojiyay gargaarkii DF Soomaaliya musuq dartii

Recommended Posts

Deeq A.   
US-State-Department-scaled.webp?fit=2560

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan barnaamijyadii gargaarka ee ay ku taageeri jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gargaarka ayaa loo hakiyay kadib markii Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah kula wareegtay cunto gargaar oo aad u badan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Bayaan lagu daabacay barta X (Twitter) ee Kaalmada Dibadda ee Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku si weyn uga walaacsan yahay warar sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo Mareykanku maalgeliyay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa la sheegay in si sharci-darro ah ula wareegeen 76 tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay caddeysay in dib loo bilaabi doono gargaarka kaliya marka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyin cad oo isla xisaabtan ah.

Tallaabooyinkan ayaa ka mid ah in dowladdu ay mas’uul ka noqoto falalka lagu eedeeyay, ayna hirgeliso tallaabooyin sax ah oo wax looga qabanayo arrintaas.

Go’aankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay weli wajahayso dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin abaaro, barakac iyo cunto yari saameysay malaayiin qof.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymahan iyo go’aanka Mareykanka.

The post Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu joojiyay gargaarkii DF Soomaaliya musuq dartii appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this