Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo dalab culus u gudbisay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee M/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Midowga-Afrika-qq.jpg?fit=864%2C486&ssl=

Addis Ababa (Caasimada Online) — Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan deg-deg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulanka khadka internetka uga qayb-galay, waxaana guddoomiyay wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Intiisa badan waa kulankan diiradda lagu saaray arrimaha saameynaya midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, maadaama ay weli Israa’iil kusoo socoto tallaabooyin khaldan oo saameynaya Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan ayaa madasha sheegay in Soomaaliya ay diidan tahay wax ay ku tilmaamtay tallaabo hal dhinac ah oo Israa’iil ku dooneyso in ay ku aqoonsatay gobolka waqooyiga Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay markale in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan lakala qeybin karin iyadoo Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka digay in tallaabooyinka xaqiraya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuuna ka dalbaday xubnaha Midowga Afrika in ay xaqiijiyaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD, kuwaas oo dhammaantood ku baaqay in la dhowro nabadda iyo wadajirka gobolka, lagana fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasiloonida Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo uun ka hor kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Horay qaar kamid ah waddamada gobolka oo shirkan qayb ka ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaase weli jira dalal kale oo weli aamusan, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa dariska ah.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Israa’iil ay sii waddo xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland.

The post Somalia oo dalab culus u gudbisay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee M/Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this