Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro oo aqbalay inuu booqdo Israa’iil kadib kulankii maanta + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
610755098_34085973337668661_872216294107

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay wafdi culus oo ka socda Israa’iil, isla markaana uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda eeTel Aviv Gideon Sa’ar, kaas oo maanta ka dagay garoonka Hargeysa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa si qote dheer uga wada-hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo in lasii amba qaado heshiiska labada dhinac, si loo dhammeystiro, waxaa kale oo uu Cirro aqbalay inuu booqdo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro oo kulanka hadlay ayaa caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay inay iskaashi buuxda oo dhinacyo badan leh la yeelato Israa’iil, isaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo hadal kooban jeediyay ayaa ballan qaaday in qadiyadda aqoonsiga Somaliland ay gayn doonaan fagaareyaasha caalamka, ayna ka go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dhinac.

“Aniga oo jooga Hargeysa waxaan si cad u muujiyay in Israa’iil iyada oo kaliya ay go’aamineyso cidda ay aqoonsaneyso iyo cidda ay la yeelaneys xiriir diblumaasiyadeed” ayuu khudbaddiisa ku yiri Wasiir Gideon Sa’ar.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi ku daray in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu casuumaad rasmi ah usoo diray Madaxweynaha Somalilamd, isaguna uu  aqbalay martiqaadka.

Hoos ka akhriso bayaanka Madaxtooyada Somaliland oo dhameystiran:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israa’iil.

Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israa’iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka go’an tahay in ay bulshada Caalamka ay u  soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israa’iil ay Jamhuuriyadda Somaliland hore ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.

Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.

Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay go’aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israa’iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

611886627_1215401634113215_8771830435074 611886627_1215401680779877_5940174591400 612120175_1215401650779880_7505372668720 612134078_1215401804113198_4829254541203 612166773_1215402020779843_6263756898409 612356351_1215402090779836_5660246562458 612409432_1215402170779828_7456493085277 612441702_1215402390779806_5843521924739 612864569_1215401800779865_2940391878898 CIRRO-IYO-WASIIRKA-DIBADDA-ISRAEL.webp?r WASIIRKA-DIBADDA-ISRAAIIL.webp?resize=69

The post Cirro oo aqbalay inuu booqdo Israa’iil kadib kulankii maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this