Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay safarkii uu Hargeysa ku tagay Gideon Sa’ar

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116629-1440x960.jpg

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay booqashadii uu maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku tagay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ka dhigan tahay xadgudub weyn oo lagula kacay madaxbannaanida Soomaaliya, islamrkaasna tahay faragelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee dowlad madaxbannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Hargeysa waxay ka dhigan tahay qayb aan la iska indho tiri karin oo ka mid ah dhulka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Soomaaliya. Joogitaan rasmi ah, xiriir, ama fal kasta oo laga sameeyo gudaha dhulka Soomaaliya, iyadoo aan la helin oggolaansho cad iyo oggolaansho Dowladda Federaalka Soomaaliya waa sharci darro, waxba kama jiraan, mana laha ansax sharci ama saameyn” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqay Israa’iil in ay joojiso falalka wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada, iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, iyo in ay si buuxda u ixtiraamto waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay ku boorisay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhammaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah in ay si cad oo aan mugdi ku jirin u xaqiijiyaan taageeradooda madaxbannaanida Soomaaliya.

1000116611-950x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this