Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Saraakiil ah oo ka socda dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.

Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta dhanka booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kulammo miro dhal ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this