Sign in to follow this  
Deeq A.

W​ar-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Booqashada Wasiirka Israa’iil ee Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

​Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareysay booqasho aan la oggolaan oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo ay wasaaraddu ku tilmaamtay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hoosta ka xariiqday in Hargeysa ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, xiriir kasta oo aan fasax looga haysan Dowladda Federaalkana uu yahay mid sharci-darro ah oo aan waxba ka jirin.

​Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya ay ugu baaqday ururada caalamiga ah iyo saaxiibbada dibadda inay dib u xaqiijiyaan taageerada ay u hayaan madaxbannaanida iyo xuduudaha dalka.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya waxay caddeysay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabooyin dibloomaasiyadeed iyo kuwo sharci oo ku habboon si ay u ilaaliso qarannimadeeda, iyadoo weli u taagan iskaashi caalami ah oo ku dhisan ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this