Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo saraakiil sar sare usoo diray Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1767703157835.webp?fit=1080%2C720

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana si weyno loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa wafdigan culus oo hoggaaminayo taliyaha ciidanka gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, iyadoo sidoo kale ay qayb ka yihiin taliyaha arrimaha dibadda, Gökhan Demirtola iyo taliye Ku-xigeenka arrimaha dibadda, Turgay Olgun.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa durbadii qaabilay wafdiga, waxayna wada-hadallo kooban ku yeesheen qaybta VIP-da ee garoonka magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka saraakiisha ka socda Turkiga ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta dhanka Boolis, iyaga oo la wadaagi doono khibradahooda.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la yeeshaan masuuliyiinta sar sare ee dowladda iyo saraakiisha ciidanka, si sare loogu qaado iskaashiga labada dhinac.

Imaashaha wafdigan culus ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay xadgudubkii ay Israa’iil u gaysatay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay dhawaan siisay maamulka Somaliland, kaas oo si weyn looga muujiyay diidmo xooggan.

Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dalalkii garab istaagga u muujiyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday difaaca dalka, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn.

Waxaa sidoo kale arrintan ay imaaneysaa, iyada oo dhawaan Muqdisho iyo Istanbul ay ku dhawaaqeen in la guda geli doono sanadkan cusub shidaal qodisto, si looga faa’iideysto khayraadka dhex-ceegaaga biyaha Soomaaliya.

FB_IMG_1767703170080.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703167446.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703164738.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703161951.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703159940.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703155971.webp?resize=696%2C4 FB_IMG_1767703157835.webp?resize=696%2C4

The post Turkiga oo saraakiil sar sare usoo diray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this