Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war culus soo saartay kadib tallaabadii ay maanta qaaday Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.webp?fit=2560%2C1707

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan deg-deg ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay tallaabadii ay maanta qaaday Israa’iil oo wafdi culus oo uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalkan uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana uga sii daraya xiisadda ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si cad uga soo horjeedo xadgubyada isdaba joogga ah ee Tel Avib kula kaceyso madaxbanaaneeda, ayna si adag u cambaareyneyso socdaalka wasiirkeeda arrimaha dibadda ee tegay Hargeysa.

“Waxaan sida ugu adag u cambaareyneynaa duulaanka socdaalka sharci darrada ah ee wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil ku tagay Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in tallaabada wasiirku ay “xadgudub ku tahay madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya” ayna tahay wax aan la aqbali karin.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in tallaabadaani ay ka dhigan tahay faragalin lagu sameyay arrimaha gudaha ee daln xubin ka ah Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar iyo wafdiiisa ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo loo sii galbiyay Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in wasiirku uu tegi doono gudaha magaalo xeebeedka Berbera, halkaasi oo saldhig milatari laga siinayo Israa’iil, waxaana booqashadaas ku wehlin doono Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro , iyada oo ujeedadu tahay in la dhammeystiro wejiga koowaad ee heshiiska Israa’iil ay dhawaan la gaartay Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil ayaa 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

608634591_1266637168822393_5129402859937

The post DF oo war culus soo saartay kadib tallaabadii ay maanta qaaday Israa’iil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this