Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: Aqoonsiga Somaliland arrin noo taalla ma aha

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamuud-Sayid-Aadan.jpg?fit=1680%2C1120

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in arrinta aqoonsiga Somaliland aysan aheyn mid u taalla, isla markaana ay tahay howl Dowladda Federaalka u taalla oo ay ka tirsan tahay Jubbaland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa caddeeyay in Jubbaland ay tahay dowlad-goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka, sidaas darteedna aysan lahayn mas’uuliyadda ka hadalka arrimaha qaran, gaar ahaan siyaasadda dibadda, amniga qaranka iyo midnimada dalka.

“Jubbaland waa dowlad-goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana laha ma’suuliyadda ka hadalka arrimaha qaran. Waxaa si sharci ah u maamusha Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Sidoo kale, wuxuu xusay in aysan sax ahayn in maamul-goboleedyo gaar gaar ah ay mowqif ka qaataan arrimo qaran, maadaama ay arrintaasi, sida uu sheegay, wax u dhimi karto nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta dastuuriga ah ee dalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaas ku daray in Jubbaland ay ixtiraamayso kaalinta dowladda dhexe, isla markaana ay ka go’an tahay dhowrista iyo ilaalinta dastuurka dalka.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay horey u muujisay mowqifkeeda ku aaddan tallaabada ay Israa’iil qaadday, isla markaana Jubbaland ay ku qanacsan tahay go’aanka iyo hadalka rasmiga ah ee kasoo baxay dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamullada Jubbaland iyo Puntland lagu eedeeyay inay ka aamuseen arrin lagu tilmaamay mid masiiri ah oo saameyn ku leh midnimada Soomaaliya.

Labada maamul ayaa lagu dhaliilay in aamusnaantooda loo fasirtay taageero loo muujinayo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taas oo haatan ay Jubbaland si adag iskaga fogeysay.

The post Jubbaland: Aqoonsiga Somaliland arrin noo taalla ma aha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this