Sign in to follow this  
Somalina

Yemen: Kulan looga arinsaday arimaha Soomaaliya

Recommended Posts

Somalina   

Madax ka tirsan diblomaalisiinyiinta dowladaha Islaamka iyo kuwa Carabta iyo dalal kale oo ajaanib ah ayaa xalay ka qeyb galay xaflad ay soo diyaariyeen ardayda Jaamiciyiinta Soomaalida ee Qaxootiga ah oo xalay lagu qabtay magaaladda Sanca ee dalka Yemen.

Xafladaasi ayaa ujeedadeedu ahayd soo bandhigida muuqaalka guud ee Soomaaliya laga aamisan yahay, doorkii ay ku lahayd ururka wadamadda Islaamka iyo Jaamacadda Carabta iyo sidii wadamadaasi u laban- laabi lahaayen dadaalkooda ku wajahan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Abukaate Cabdraxmaan Baana oo ka mid ah waxgaradkii soo abaabulay xafladaasi ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in ay doonayaan in wadamadda Carabta iyo kuwa Muslimiinta ay ku soo jeediyaan Soomaaliya oo ah dal Muslim ah isla markaana deris la ah wadamo kale oo haysta caqiidooyin kala duwan.

 

Aabulkaate, Cabdiraxmaan Baana waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalalkii lahaa fikrada aasaaska ururka wadamadda islaamka, balse waxaa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin door siyaasi ah oo ururka islaamka ka qaato xal u helidda mushkiladda arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay isku soo koobeen oo keliya ururo islaami ah oo arrimaha samafalka dadka Soomaalida gacan ka geysta.

 

Xafladaasi oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Yemen, Diblomaasiyiin iyo Siyaasiyiinta dowladaha islaamka iyo wadamadda Carabta ee ku sugan dalkaYemen ayaa waxaa kaloo lagu soo dhigay taariikh-da Soomaliya iyo halka ay Soomalida ka soo jeedo, iyo marxaladihii ay soo martay Soomaliya gaar ahaan arrimaha Diinta, Dhaqanka.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this