Deeq A. Posted Sunday at 11:05 PM Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo ka dhacay guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho. Xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo Sheekh Shariif oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shakhsi oo ay kulankaas kaga heshiiyeen. Sidoo kale xisbiga Himilo Qaran wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulanka ku soo bandhigay rabitaankiisa ku aadan qabashada shir wadatashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda mucaaradka hore ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday Sheekh Shariif in uu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran. Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa la sheegay in uu arrintaas aqbalay, uuna sheegay in uu diyaar u yahay wax kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Waxaa la aaminsan yahay in uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ka qaybqaatay isu soo dhawaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb. Kulankan ayaa ku soo aaday, xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ka mid yahay Sheekh Shariif ay qorsheynayaan in ay dhawaan magaalada Garowe ku qabsadaan shir ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites