Sign in to follow this  
General Duke

President Adan Ade taken abroad.

Recommended Posts

Somalias first leader has been taken abroad for medicine. May Allah restore his health...

 

Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya

muxuu ku sugan Yahay Hadda?

 

Aadan Cabdulle Cusmaan(Aadan Cade) oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee ay Soomaaliya yeelato xiligii ay madaxbanaanida qaadatey ayaa xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa,iaydoo la soo sheegayo in Dibadda loo qaaday Aadan Cadde.

 

Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo Soomaaliya Madaxweyne ka soo noqday 1960-kii ilaa iyo 1967-dii Markaasoo doorashada looga guuleystay kadib markii Tartan adag wada galeen isaga iyo Madaxweynihii la dilay C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ku sugnaa Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan beer uu ku leeyahay Degmada Janaalle.

 

Aadan Cadde ayaa ah nin waayeel ah waxaana la soo daristey xaalad gabow ah iyo xanuun, wixii ka dambeeyey sanadkii 2000 ayaa la sheegay in xaaladiisu ay ahayd mid ay hareysey waayelnimo iyo xanuun.

 

Qaar ka mid ah caruurta uu dhaley Aadan Cadde ayaa la sheegay in maalinimadii Khamiistii ay u qaaden dalka dibadiisa si halkaasi uu ugu soo qaato daaweyn.

 

Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) wuxuu ka mid ahaa Madaxweynayaashii soo marey Qaaradan Afrika kuwaada si weyn loo qadariyo, waxaana lagu xusuustaa Aadan Cadde sidii shariifka aheyd ee uu dagey Kursiga, iyadoo loo aqoonsadey Madaxweynihii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo si Dimuqraadi ah uga dega xilika Madaxweynenimada.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

news@ufurow.com

Muqdisho , Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) wuxuu ka mid ahaa Madaxweynayaashii soo marey Qaaradan Afrika kuwaada si weyn loo qadariyo, waxaana lagu xusuustaa Aadan Cadde sidii shariifka aheyd ee uu dagey Kursiga, iyadoo loo aqoonsadey Madaxweynihii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo si Dimuqraadi ah uga dega xilika Madaxweynenimada.

If Soomaaliya can produce Aadan Cadde regardless of which era, I still have faith in our nation and people, particularly in a trying age of despair and hopelessness that is so palpable today.

 

Eebe ha caafiyo our nation's father, Aadan Cadde. The only Soomaali siyaasi no body, ever, I heard say anything negative against how he ruled our nation for a seven formidable years. That itself says something about his personality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this