Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada G/Waqooyi ee USP oo go’aan kasoo saaray aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
USP.webp?fit=1268%2C560&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, gaar ahaan kuwa maamulka Waqooyi Bari iyo gobolka Awdal oo ku midoobay xisbigii USP ayaa maanta qaadacay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa waxa ay ugu horreyn ku cambaareeyeen xiriirka Israa’iil iyo Somaliland, iyaga oo tilmaamay in aqoonsiga lagu dhawaaqay uu halis ku yahay madax banaanida dalka.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa xadgudubka ka dhanka ah madax banaanida, midnimada iyo gobanimada Soomaaliya ee uu ku kacay nidaamkii gumeysiga cusub ee Israa’iil oo qayb kamid ah Soomaaliya u aqoosaday dal madax banaan” ayay ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda.

Sidoo kale waxa ay u digeen maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa, iyaga oo sheegay in caburin ku yahay waxgaradka iyo culimada diidan ictiraafka.

“Maamulka gooni u goosadka ah waxaa uga digeynaa tallaabooyinka xadgudubka ah sida dilka caburinta iyo caga jugleynta ay ku beegsanayaan dadka midnima doonka ee waxgaradka iyo culimada leh” ayay sii raaciyeen.

Waxaa kale oo ay boggaadiyeen talaabadii ay qaaday dowladda federaalka oo gebi ahaan kasoo horjeesatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Xildhibaannada iyo wasiirada ku hadlay magaca USP ayaa sidoo kale ayiday go’aankii golaha wasiirada ee soo baxay 26-kii December 2025 iyo qaraarka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay kaas oo buriyay aqoonsi ay Somaliland ka heshay Israa’iil.

Ugu dambeyn waxay u mahadceliyeen dalal iyo ururrada caalamiga ah ee sid wayn uga horyimid xadgudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya

1.webp?resize=696%2C669&ssl=1 2.webp?resize=696%2C682&ssl=1 3.webp?resize=696%2C678&ssl=1 4.webp?resize=696%2C610&ssl=1

The post Xildhibaannada G/Waqooyi ee USP oo go’aan kasoo saaray aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this