Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo JILIB ku dishay laba horjooge oo halis ah + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA-scaled.webp?fit=2560%2C1689&ssl=1

Jilib (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo ay NISA iyo saaxibada caalamiga ah ka fuliyeen gudaha degmada Jilib oo ah xarunta ugu wayn ee kooxda Al-Shabaab.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo bartilmaameed ahaa uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu naafeeyay argagixisada.

“10-kii bisha December 2025 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo kaashaneysa saaxibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka ayaa fuliyay howlgal beegsi ah duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kana dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in laggu dilay laba horjooge oo halis ahaa, kana mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda, isla markaana wakiil ka ahaa amniga gudaha iyo dibadda.

“Howlgalkan waxaa lagu dilay laba horjooge oo kamid ahaa kuwii ugu qatarta badnaa ee soo mara kooxdaas, kuwaas oo si toos ah u maamulayay qaraxyada, amniga gudaha iyo howlgallada dibadda” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu warbaahinta la wadaagay magacyada labada nin ee lagu dilay weerarka ay NISA iyo Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. “Bartilmaameedyadaas waxaa lagu dilay Injineer Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex)” ayuu mar kale yiri Wasiirka.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale bixiyay xogta horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuuna sheegay inuu ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, sidoo kalena uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay inuu kasoo shaqeeyay, isla markaana abaabulay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay kamid yihiin, qaraxii Zoobe, weerarkii Godka Jilacow, qaraxii Madaxweynaha lagula beegsaday isgoyska Ceelgaabta iyo kuwa kale.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) oo qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay dalalka dariska, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

The post NISA oo JILIB ku dishay laba horjooge oo halis ah + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this