Deeq A. Posted Saturday at 05:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorshaha ay ku dhawaaqday dowladda Turkiga ee ku aaddan qodista shidaalka Soomaaliya ayaa maanta shir wada-tashi ah ku casuuntay wasiirada batrolka iyo kheyraadka macdanta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkaan oo socon doona sedex maalin ayaa waxaan sidoo kale ka qayb-galay guddi hoosaadka Kheyraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, si loo soo saaro go’aan wadajir ah oo lagu wajahayo qorshaha ku aaddan shidaal qodista. Sidoo kale muddada uu socdo shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adkaynta wada shaqeynta wasaaraddaha, hay’adaha iyo is-dhaafsiga xogaha farsamo iyo sharciyadeed, iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira horumarinta iyo maareynta kheyraadka batrolka iyo macdanta dalka. Wasiirka batrolka Soomaaliya Daahir Shire oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa xoojiyay tallaabada Madaxweynaha ee ku aaddan shidaal qodista, iyada oo howlgalkaas uu fulin doono Turkiga oo isagu horay u sameeyay sahminta. “Madaxweynaha JFS wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh oo ku aaddan shidaal-qodista, waxaana Xukuumadda DanQaran ay leedahay qorshe weyn oo ku saabsan soo saarista shidaalka dalka” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay go’aanka qodista shidaalka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Istanbul. Labada Madaxweyne ayaa shaaciyay in howsha qodista shidaalka ay bilaaban doonto sanadka cusub ee 2026-ka, si looga faa’iideysto khayraadka Somalia. Turkiga ayaa sidoo kale Arbacadii ku dhawaaqay in bisha soo socota ee Febraayo uu Soomaaliya usoo diri doono markab sameeya qodista shidaalka, si loo fuliyo mashruucii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas qodis ah oo ay dowladda Turkiga ka sameyso meel ka baxsan dalkeeda. The post DF iyo maamul goboleedyada oo ka shiray qorshaha Turkiga appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites