Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ku dhawaaqay inay gacanta ku soo dhigeen madaxweynihii dalka Venezuela iyo xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa horey abaalmarin dhan 50 milyan oo doollar u dul dhigay Nicolas Maduro, taas oo la siinayay qofkii gacanta ku soo dhiga ama ku wareejiya Mareykanka.

Abaalmarintaasi kuma ekaan lacago keliya, balse waxa kale oo ku jiray ballan-qaad dib-u-dejin oo Mareykanka laga helayo.

Ugu dambayn, howlgal socday qiyaastii shan saacadood, ayay u suurtagashay Mareykanka in maanta gacanta ku dhigo Nicolas Maduro, oo dalka Venezuela ka talinayay muddo 12 sano ah.

Isaga iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamo gaar ah oo Mareykan ah, isla markaana si degdeg ah dalka looga saaray, sida uu Trump xaqiijiyay. Inkasta oo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sida uu howlgalka u dhacay, haddana waxa isa soo taraya tuhunno sheegaya in dad uu Maduro ku kalsoonaa ay fududeeyeen qabashadiisa.

Arrintan ayaa sidoo kale loo arkaa fadeexad siyaasadeed iyo amni oo ku dhacday Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, kuwaas oo Maduro u ahaa xulafo muhiim ah iyo albaab ay ku cadaadiyaan Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu 11:00 subaxnimo waqtiga Florida qabto shir jaraa’id, kaas oo uu faahfaahin dheeraad ah kaga bixin doono qabashada Maduro iyo xaaskiisa. Illaa hadda lama caddeyn in Trump sugayo inta Maduro loogu keenayo dhismahiisa gaarka ah ee Mar-a-Lago, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this