Sign in to follow this  
Deeq A.

Khabiir sare ka tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka oo taageeray in si rasmi ah loo aqoonsado dalka Jamhuuriyadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Khabiir la yidhaahdo Ilan Berman oo ah khabiir sare ka tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka, ayaa taageeray in si rasmi ah loo aqoonsado dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku sababeeyay xasilloonideeda siyaasadeed, hay’ado dimuqraadi ah oo shaqeeya, iyo deegaan ganacsi oo furan oo ka jira Somaliland.

Waxa kaloo uu khabiirku sheegay in aqoonsiga Somaliland uu la jaanqaadi karo jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan aragtiyihii Madaxweyne Donald Trump, isla markaana uu u adeegi karo danaha istiraatiijiga ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika.

Wuxuu isbarbardhig ku sameeyay xasilloonida Somaliland iyo musuqmaasuqa iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliya, isagoo ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu xoojin karo amniga, ganacsiga, iyo saameynta Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this