Sign in to follow this  
Deeq A.

Colombia oo ciidamo ku daadgureynaysa xaduudka ay la wadaagto Venezuela

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Kolombiya, Gustavo Petro, ayaa shaaca ka qaaday in uu amray ciidamada milatariga Kolombiya in la geeyo xuduudda ay la wadaagto dalka Venezuela, kaddib waxa uu ku tilmaamay “weerarro iyo faragelin ay Mareykanku ka wadaan Venezuela.

Madaxweyne Petro ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid looga golleeyahay ilaalinta amniga qaranka Kolombiya iyo ka hortagga wax kasta oo xasilooni-darro ah oo ka dhalan kara xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Venezuela.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Kolombiya aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado dagaal ama faragelin militari oo ka dhan ah dal deris la ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay in Mareykanku uu gacanta ku dhigey  Madaxweynihii Venezuela, Nicolás Maduro, isla markaana la kor geynayo caddaaladda sida uu sheegay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this