Sign in to follow this  
Deeq A.

​WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo ka socda deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

​Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal aad u xooggan uu haatan ka socdo deegaanka Wargaadhi, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar qaraxyo ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaankaas, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u culus oo weli la maqlayo daryeelka rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

​In kasta oo aan ilaa hadda la ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka, haddana waxaa jira warar sheegaya in khasaare xooggan uu jiro maadaama weerarku ahaa mid qorsheysan oo ku bilowday qaraxyo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay iska caabin adag kala horyimid weerarkaas, iyadoo xaaladdu ay weli tahay mid kacsan oo dagaalku uu si xooggan u socdo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this