Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo dib u dhigtay xilliga uu dhaqan-galayo shuruudda Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

​Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaqday go’aan cusub oo dib loogu dhigayo hirgelinta amarkii hore ee dhigayay in qof kasta oo u safraya dalka gudihiisa uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Go’aankan oo horey loo qorsheeyay inuu dhaqan-galo kowda bisha Janaayo ee sanadka 2026, ayaa hadda si rasmi ah loogu wareejiyay koowda bisha Maarso ee isla sanadkaan, si muwaadiniinta loo siiyo fursad ay ku dhamaystiraan qaadashada aqoonsiga.

​Sababta ugu weyn ee tallaabadan loo qaaday ayaa ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo laga fogaanayo in caqabado dhanka socdaalka ah ay la kulmaan dadka aan weli helin aqoonsiga.

Hay’addu waxay si adag ugu dhiirigelisay dhammaan shacabka inay ka faa’iideystaan mudadan labada bilood ah ee lagu kordhiyay waqtiga, si ay u gutaan waajibaadkooda inta aan la gaarin taariikhda cusub ee loo asteeyay in go’aanku dhaqan-galo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this