Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsiyo Soomaalida Maraykanka muhiim u ahaa oo la joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Trump ayaa sheegay in uu hakiyay bixinta lacagaha xarumaha xanaanada carruurta ee gobolka Minnesota, kaddib markii YouTuber xagga siyaasadda ah uu ku eedeeyay in dhowr xarumood oo ay maamulaan dad Soomaali ah ay lacag dadweyne ka qaadanayeen iyaga oo aan carruurta daryeelin.

War lagu qoray barta X , maalintii Salaasada ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha oo soo xigtay muuqaalka faafay waxa uu sheegay in hay’addu ay bartilmaameedsan doonto “musuqa cad oo u muuqda in uu ku baahsan yahay Minnesota.”

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa ka hor yimid eedeymaha musuqmaasuqa ee muuqaalka lagu soo bandhigay.

Xiisadda dhinaca socdaalkaee gobolkaas oo ah meesha ay ku nool yihiin tirada ugu badan Soomaalida ee Maraykanka ayaa dhawaan sare u kacday , kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in aanu doonayn in ay sii dalka joogaan

“Waxaan hakinnay dhammaan bixinta lacagaha xarumaha xanaanada carruurta ee gobolka Minnesota,” ayuu ku dhawaaqay Ku-xigeenka Xoghayaha HHS, Jim O’Neill, isagoo qoraal ku soo qoray barta X, Talaadadii.

Wuxuu sheegay in go’aankan uu ka dambeeyo “eedeymo culus oo sheegaya in gobolka Minnesota uu malaayiin doolar oo canshuur ah lagu lunsaday xarumo xanaanada carruurta iyo in musuqmaasuq uu ka jiray muddo tobannaan sano ah.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay joojin doonto bixinta sannadlaha ah ee $185 milyan ee gobolka ilaa inta dib-u-eegis buuxda looga samaynayo xarumaha la sheegay.

Qoraalka O’Neill wuxuu intaa ku daray in HHS ay soo bandhigi doonto nidaam oolagu dabaqi doono dhammaan bixinta lacagaha mustaqbalka ee gobollada. Nidaamkan wuxuu u baahan doonaa “caddeyn iyo foojarro iyo sawir ka hor inta aan lacag lagu dirin gobolka.”

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this