Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya iyo wada-hadal dhex maray labada Wasiir Arrimo Dibadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

​Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxan Al-Saud, ayaa yeeshay wada-hadal dhanka taleefanka ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga mowqifkeeda adag ee ay ku taageertay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Wasiirrada Sacuudiga.

Dhankiisa, Amiir Faisal wuxuu mar kale xaqiijiyay in Sacuudigu uu garab taagan yahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Boqortooyadu ay muhiimad gaar ah siinayso nabadgelyada Geeska Afrika iyo horumarka xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this