Sign in to follow this  
Deeq A.

SOOMAALIYA NOLOSHA WAXAY SI FIICAN UGA YAQAANAAN WAX IS DABAMSRINTA DILKA DHACA JUJUBKA WIXII AY NOO GEYSTEENNA MAANAAN ILLAAWIN.

Recommended Posts

Deeq A.   

SOOMAALIYA NOLOSHA WAXAY SI FIICAN UGA YAQAANAAN WAX IS DABAMSRINTA DILKA DHACA JUJUBKA WIXII AY NOO GEYSTEENNA MAANAAN ILLAAWIN.

Somaliland waa dadkii soomaalinimada shanta ah sameeyay ee xorriyadoodii u hibeeyay waa kuwii fanka iyo suugaanta soomali ku mideeyay ee saynab xaaji cali baxsan oo itoobiyaan ah kilalka shanaad u dhiibay heestii cajiibka ahayd DADKII HARGAYSAA KULA HADLAAYO HEESTAA ADEE LEHE HOO WAJEEREEY CALANKA HOO.

Gobanimada iyo sharafta soomaalida waxa sare u qaaday oo tacliinta fanka iyo suugaanta oo ummadda haga baray CABDILLAAHI QARSHI IYO MAXAMUUD AHMAD CALI IYO RAGGII LA MIDKA AHAA, ganacsiga iyo sida wax loo kala iibsado waa kuwii baray reer Somaliland abaalkii lagala kulmay Soomaali wuxuu noqday wax isdabamarin musuqmaasuq dil iyo boob bilaabmay lixdankii jujuub xaqiraad iyo ashaxumo 60kiiba la dareemay waqtigaas ilaa iminka halganku wuu socday waxa lagu guulaystay 1991kii.

Soomaaliya waxa kaga maqan soomaaliland dad magayno ah oo xabbad lala dhacay maanaan illaawin KORNAYL AHMAD CALI (MOOTE ) C/LAAHI X SICIID iyo labadii sarkaal ee lala dilay 1981kii dhirkayn geenyo, sarkaal sare ina cabdilqaadir faarax oo si xun loo dilay xamar iyo raggii la midka ahaa.

Maanaan illaawin qaasim qodax, soonaani, siciid madoobe,codhaaq iyo sanweyne, diiriye labalugood, ina cabdi dheere, cabdi dhegjar iyo gaashaanlle sare qorane oo xafiiskiisii burco inta laga soo kaxeeyay lala toogtay 43kii indhaha burco ahaa, maanaan illaawin dilkii foosha xumaa ee shiikh ka dhacay 1994kii oday CABDIRAHMAN CALI IWM. maanaan illaawin xasuuqii badhka hargaysa DHUUBAANE INA ISXAL iyo kii gebiiley ilaa maydh taxnaa ee waxaanu siisanay saamaxaad ilaahay!!! Iyo inaanu goonni isu taagnno, 1991kii ilaa maantoo nala aqoonsaday way joogsanwaayeene waxa xigi iyagoo itaal daran oo baryootamaya.

Dilalka tiirka iyo boobka hantidu way badnaayeen oo halkan kuma soo koobi karo waxaan ku qoray buuggayga oo madbacadda ku jira.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this