Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti balaadhan oo booqday gobolka Hawd

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1767190658073-300x200.jpg

FB_IMG_1767190652290-300x200.jpg

FB_IMG_1767190642970-300x200.jpg

FB_IMG_1767190642335-300x229.jpg

FB_IMG_1767190596915-300x200.jpg

FB_IMG_1767190592929-300x237.jpg

FB_IMG_1767190579174-300x200.jpg

FB_IMG_1767190579563-300x218.jpg

FB_IMG_1767190575986-300x200.jpg

FB_IMG_1767190575837-300x200.jpg

FB_IMG_1767190564587-300x200.jpg

FB_IMG_1767190663665-300x200.jpg

FB_IMG_1767190677442-300x220.jpg
Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa maalintii shalay safar shaqo oo ay ugu kuurgelayaan xaaladda dadka iyo deegaanka kusoo maray magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Balli-gubadle iyo deegaanno kale oo hoos yimaadda, waxana ay halkaas kala kulmeen soo dhaweyn diirran oo ay ku qaabileen qaybaha bulshada deegaannadaas ku dhaqani.

Safarkan shaqo ee uu wasiirka madaxtooyadu ku tegay gobolka Hawd oo ay ku wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, agaasimeyaal guud iyo maareeyayaal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii xog-ogaal loogu noqon lahaa xaaladda nololeed iyo baahida dadka iyo deegaanka, loona indho indhayn lahaa mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, iyada oo la dhagax-dhigay tiro mashaariic ah oo ay xukuumaddu ka fulin doonto deegaannada gobolka Hawd hoos yimaadda.

Meelaha ay weftigu kormeerkooda ku tageen ee sida weyn loogu soo dhaweeyey waxa kamid ahaa deegaannada Sayla, Balli-cabbane iyo Balli-gubadel, waxana halkaas kulamo lagula yeeshay haldoorka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas ku dhaqan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this