Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ururada siyaasadeed u kala heleen kuraasta degmooyinka Banaadir?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000113408-1440x960.jpg

Muddo todobaad ku dhow kaddib, guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada kuraasta golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir iyo sida ay u kala heleen ururada siyaasadda ee dhawaan ku tartamay.

Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa in ka badan 46%  helay kuraasta degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ku guuleystay
177 kursi oo ka mid ah 390-ka kursi.

Urur siyaasadeedka Towfiiq ee hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa galay kaalinta labaad, isagoo helay 49 kursi, urur siyaasadeedka Ramaas galay kaalinta saddexaad kaddib markii uu helay 42 kuris, halka urur siyaasadeedka Karaama uu galay kaalinta afraad oo helay 39 kursi.

Sincad oo hoggaamiyo Maxamuud Khaliif Jabiye wuxuu helay 26 kursi oo u dhiganta 4% kuraasta degmooyinka Banaadir.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Muqdisho waxaa hore u qaadacay muraacadka oo ku tilmaamay mid hal dhinac oo uu keligiis ku tartamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1000113241-1080x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this