Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso port authority AWOL...

Recommended Posts

Dhulkii Dekkada Bosaaso oo ay bilaabeen in ay gataan dad shacab ah

Last Updated::2006-10-18 15:25:26

 

Bosaso:- Qeybo kamid ah dhulkii ay lahayd dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ayay bilaabeen in ay gataan dad shacab ah.

 

xeebta_bosaaso1.jpg

 

dekkada_bosaso_dhul1.jpg

 

Dhulkan oo dhinaca galbeed ee Airporka ka xiga Dekkada ayaa kamid ah goobaha loogu talo galay in lagu balaariyo dekkada qeybaheeda dhiman, waxaase soo shaac baxay maalmahan dad iibsanaya qeybo kamid ah dhulkaasi.

 

Dhulkan oo ah mid ku yaal xeebta Bosaaso, ayaa ah goobtii horey loogu shubay ciidii laga soo saaray dhismihii Dekkada Bosaaso, isla mar ahaantaana loo qorsheeyey in dekkada qeybaheeda ka harsan halkaasi laga dhiso.

 

Dhulkaasi ayaa hada la cabirtan isla markaana la bilaabay in la iibiyo, arrintan ayaa la sheegay in ay ka danbeeyaan ganacsato.

 

 

Sawir Dusha ah xeebta Bosaaso [hrNet]

 

Lama yaqaan cida awooda u siisay Ganacsatadan in ay iibiyaan dhulkan oo ay leedahay dowlada.

 

Dhismaha cusub ee dekkada

 

Dekkada Bosaaso ayaa bilihii lasoo dhaafay laga dhawaajinayey in lagu bilaabi doono dayatir iyo balaarin, walow aan la aqoon xiliga ay dhismahaasi bilaaban doono.

 

Waxaase soo baxaya dad rayid ah oo ku habsaday dhulkii dekkada lahayd, kahor intaanba la bilaabay mashruuca balaarinta dekkada oo kamid ah qorshayaasha Xukuumada hada xilka heysa.

 

Horey ayaa guryo looga dhistay dhinaca Bari ee dekkada oo uu ku yiil dhul balaaran oo dekkadu leedahay, balse waa markii ugu horeysay oo dhinaca Galbeed ee dekkada oo halkii kaliya ee dekkada u banaaneyd la bilaabo in dhulka lala wareego.

 

Maamulka degmada Bosaaso, kan Gobalka Bari iyo waliba Maamulka dhexe ee Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan Cusub.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

yeah but i noticed in alot of places of somalia they build bungalow type of buildings

 

what if the population continues to increase with this 3% growthrate?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

yeah i'm looking for the morrocan ones

 

but they went M.I.A on me damn it!

 

i'll post them when i find the site i saw those buildings

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ok mate, but there is also one thing, our cities including Moigadishu are relatively small and unplanned. There is room for more bungalows and villas and we do not need high rise apartments. But I do like the North African style homes..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qurux badanaa Badda Boosaaso, Masha-Allah!

 

Cadde Muuse markii laga saaro meesha balan waaye inaan guri aan leeyahay ka dhisto, anoo Soomaali ah, Muslimna uu qabiilkeygu yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waa runtaa saaxiib, laakiin ogow inaan taageer sanahay diinta Islaamka iyo Ilaahey, Xukunka meesha ka jirana uusan diyaar u aheyn dadkaas oo kale. Marka waakaas sababta aan dib ugu dhigtay socdaalkeyga, insha-Allah.

 

Nabadeey, waxaa inoo balan ah 2009 sanadka miilaadiga markuu yahay, insha-Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta sugba maamul goboleedka Bari ka jiro maxee xukumaan ka ahayn dekedda.

 

Waxaa ka wadaa badanaa iskoolada ka jiro meesha ha'ado shisheeye ayaa maamulo, oo ay la wadagaan dalka, meeshee dagaal ka jirto iyo meeshee ka yirin. Xataa ma masruufaan macalimiinta.

 

Iskoolada hal manhaj ma qabaan. Sida iskoolada wadanka ka jiro camal, midba wax baas oo lagu wareersan yahay ee wataan, kuwa manhaj Sacuudi, kuwa Kuweyd, kuwa Iimaaraadka, kuwa Bakistaan, kuwa Keenyaatiga. Oo xataa inay isku mideyaan mey awoodi waayeen, micnaha maamul goboleed meyna fahamsaneen. Maxaa u diiday maadaama meesha maamul ka jiro in manhajkii dowladii hore laso celiyo, waliba horseed u ahaa afka hooyo wax lagu barto.

 

Meesha teeda kale booliis ka wada taliyo gobollada dhan maka jiro, degmo walba baroomo ayee qabtaa, oo kii madax lagu sheegayba dabasocdaan labaatan baroon qabqable camal, oo meel nabad ka jirtaba aan u muuqan meesha. Baroomada ama tiknikada in la xareeyo waaye.

 

Maka jiraan wax jidad dhisaayo, nin walba guri weyn uu iska dhistay, oo meeshuu rabo ka dhistay, oo jidka la simneen; jidadkii baabuurtana qof isku taxluujiye maleh, degmooyinkii markaas waxee u ekaadeen sawir qalqaloocan. I used to think sawirada laga soo qaado degmooyinka fiday dagaalada ka bacdi qaarkood inay dadka soo qaado kaseynin si sawir loo qaado ama ee baabuur ku jiraan markee qaadayaan maxaa yeelay waa wada qaloocdaan. Jidadkii dhan ayaa wada qaloocan, iskaba dhaaf wax laami u sameeyee. No municipal planning whatsoever.

 

Baabuurta shati ma qabaan. Aboow heeloow dhan aa iska wado. Taarko ma jirto, sida dalka oo dhan, taarko dal kale, siiba Iimaaraadka, laga lee yahay aa iska saaran baabuurta cusub oo weyba ku xaragoodaan dadka leh heer ee iska fujiyaan iska dhaaf. Meesha licence iyo shati inay sameyaan waaye, dhaqaalo ayaaba ugu soo gali lahayd, nidaamna jiri lahaa.

 

Maamul gobolleed afka lee ma'aha oo waa in la shaqeysiyaa. Hadii dhaqaalo badan jirin, ma'aha in la sugo hay'ado shisheeye oo dan badan wato, oo wax yar soo tuuraayo. Municipal planning dhaqaalo uma baahno. Masuqmaasuqa hadee yaraan lahayd dhaqaalaha xoolaha la dhoofiyo laga helo iyo dekedda kistoo jidadka waa lagu dhisi karaa, oo iskoolada wax waa loogu qaban karaa, oo xataa in lagu mideeyo la helo. Canshuur nidaam ahna si toos ah dadka loogu qaado, oo qas bilaa masuqmaasuq la'aan ku dhaceyso ayaa la sameyn karaa oo wax badan qaban lahayd.

 

Ma'ogi inay sugayaan dowladii Xamar kasoo baxdo oo meeqo sano ayee hada sugoyaan, waxna ay qaban oo waliba iyagoo iskugu wacaayo maamul goboleed.

 

Saas ayaa keentay, ugu wacan in dhulkaan banaan dadka iska dhistaan, maxaa yeelay meesha sida Koonfurta camal ayee u egtahay wax sharci ah ka jirin. Hadii wax walba canshuur, shati iyo kala dambeys ahaan lahaa, public spaces qof haweysan lahaa ma jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

GD,

 

Either Cadde's authority is not taken seriously in Puntland or he has given the green light to this looting himself. Either way he is the loser.

 

MMA,

 

You speak as if Somali people at large are not uneducated, ignorant and illiterate? I'm not saying our people are dumb, but don't you think that if education is what develops a people, than this is the result of no or insufficient education?

 

Xamarna laftigeedaba wadooyin qalqaloocan beey lahayd in some areas during colonial and government eras, it only added to the charm of Xamar cadey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GD,

 

Either Cadde's authority is not taken seriously in Puntland or he has given the green light to this looting himself. Either way he is the loser.

They probably forgot about the port, too busy calculating future oil revenue..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this