Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyey sida xisbiyadda u kala heleen kuraasta goleyaasha ee gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC) ayaa si rasmi ah u soo saaray natiijada kama dambaysta ah ee doorashada degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo ka qabsoontay 16 degmo.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb galay 20 urur siyaasadeed, iyadoo guud ahaan la diiwaangeliyey 233,314 cod, halka 210,586 cod ay noqdeen kuwo ansax ah, 22,728 codna ay noqdeen kuwo xumaaday.

Tirada guud ee kuraasta la tartamayey ayaa ahayd 390 kursi.

Ururrada helay codadka iyo kuraasta ugu badan

Caddaaladda iyo Wadajirka: 97,549 cod (46.3%) – 177 kursi (45.4%)

Towfiiq: 28,623 cod (13.6%) – 49 kursi (12.6%)

Ramaas: 20,463 cod (9.7%) – 42 kursi (10.8%)
Karaama: 19,877 cod (9.4%) – 39 kursi (10.0%)
Sincad: 9,078 cod (4.3%) – 26 kursi (6.7%)

Ururro kale oo kuraas helay

Madalsan: 13 kursi
Saab: 12 kursi

Muwaddaniinta Soomaaliyeed: 9 kursi
Horumar iyo Midnimo Qaran: 10 kursi
Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed: 2 kursi

Dadka Soomaaliyeed: 2 kursi
Qaranoor, Qaranka ee Dimuqraadiyadda, Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed, Qiimo Qaran, Horyaal Qaran: min 1 kursi
Ururro dhowr ah sida Soomaalinimo, Midnimada Shacabka iyo Socod ayaan helin kuraas.

NIEBC ayaa sheegtay in hab-socodka doorashadu uu u dhacay si hufan oo waafaqsan xeerarka, isla markaana natiijadani ay ka tarjumeyso rabitaanka codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this