Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda DFS oo sheegtay in Aqoonsiga Israaโ€™iil ee Soomaaliland uu horseedi karo falal argagixisanimo iyo amni-darro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay Israaโ€™iil ku sheegtay aqoonsiga dhul ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga digay cawaaqib xumo amni oo halis ah.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-Carabiya, ayaa sheegay in tallaabadan ay Israaโ€™iil qaaday ay siineyso marmarsiiyo iyo dhiirrigelin cusub kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka faaโ€™iideysan kara xaaladda si ay u xoojiyaan falalkooda rabshadaha ku dhisan.

โ€œAqoonsiga Israaโ€™iil ee qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya wuxuu siinayaa cudurdaar kooxaha xagjirka ah, wuxuuna yeelan doonaa saameyn aad u khatar ah oo ku saabsan amniga gobolka iyo kan caalamkaba,โ€ ayuu yiri Wasiir Ayub Ismaaciil Yuusuf.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in tallaabadani ay si cad ugu xadgudbeyso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika, oo durba wajahaya caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo is biirsaday.

Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha Guud ayaa ugu baaqay beesha caalamka, ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah in ay si cad uga horyimaadaan goโ€™aankan, isla markaana ay taageeraan mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo sharciyadda caalamiga ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinno diblumaasiyadeed iyo cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah sheegashada aqoonsi ee Israaโ€™iil, taas oo ay dowlado iyo ururro badani ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this