Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay hanjabaad ka dhan ah xiriirka Somaliland iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1766961316138.jpg

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen Cabdimalik Al-Xuuti ayaa sheegay in ay beegsan doonaan joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya in uu yahay bartilmaameed sharci ah, waxaana beegsan doona ciidankeenna” ayuu yiri Cabdimalik Al-Xuuti.

Hanjabaada Xuutiyiinta ayaa ku soo aaday, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay saacadihii la soo dhaafay tabiyeen in xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu fududeynayo howlgallo cirka ah oo laga fuliyo gudaha Yemen.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this