Deeq A. Posted 2 hours ago WQ: Sultan Salah Said Maamulka gacan-ku-samayska ah ee Israa’iil ayaa dawladnimo u aqoonsaday maamulbeeleedka lagu magacaabo Soomaalilaan, oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintani waa halis toos ah oo ku wajahan jiritaanka qarankeenna, midnimada dhulkeenna, iyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed. Annaga oo arrintaas ka shidaal qaadanaya bal aan dhowr doqob isdultaagno: Qodobka Kowaad: Farriin ku socota Dhallinyarada Dadkeenna soo hanaqaaday xilligii burburka dawladnimada Soomalida, waxaa nagu waajib ah inaad noqonno dad mawqif cad ka leh arrimaha dalkooda, annagoo si miyirqab leh u wajahayna shan khatarood oo waaweyn: Kalaqeybsanaan gudaha ah oo ay abuureen madax siyaasadeed oo fashilmay, kuwaas oo abuuray aragtiyo doqonimo ah sida: “Unukaaa leh” oo Koonfurta ka taagan; “annagaa gaar u tashanayna” iyo “gooni-u-goosad” Waqooyi-Galbeed iyo Puntland. Argaggixiso iyo xagjir diimeed oo aan lahayn aragti siyaasadeed, maamul, jiho iyo mustaqbal qaran. Akhlaaqxumo iyo luminta qiyamka oo si xawli ah u sii fidaysa. Dhaqaalaxumo iyo abaaro sii baahaya oo halis gelinaya jiritaanka bulshada. Duullaan iyo daandaansi shisheeye oo qaawan, kaas oo adeegsanaya gacmo khaayimiin ah oo na la diir ah. Dhalinyaradu waa inay iska ilaaliyaan inay ku milmaan ama kala taageeraan nukhbada (elite) iyo horjoogayaasha siyaasadeed ee fashilmay, kuwaas oo dalkii meel madow ku riday. Qodobka 2aad: Joojinta Xukun-wadareedka Khaldan Waa in si cad loo joojiyaa aragtida khaldan ee wadar-xukunka iyo iskalagurka siyaasadeed, halkaas oo khaladka hal siyaasi lagu xukumo bulsho ama deegaan dhan. Tusaale ahaan: Khaladka taariikheed ee uu galay Cabdiraxmaan Cirro laguma xukumi karo beesha Isaaq, ama dadka ku nool Waqooyi-Galbeed iyo Togdheer. Sidoo kale, maamulxumada, qabyaaladda iyo muufaysiga looma aanayn karo qabiilka Mogadishu Clan ama guud ahaan dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya. Siyaasiga doqonka ah qabiil iyo degaan gaar ah ma metelo, khaladkiisana isaga ayaa si gaar ah loogu xukumayaa.Qofkii khaladkaas ama aragtidaas ku taageerana wuxuu noqonayaa mid la xukun ah. Qodobka 3aad: Fariin ku socota Xukuumadda Xamar Maamulka sharciyada haysta ee Xamar fadhiya waxaan leeyahay, haddii wax yar oo damiir ahi idinku haray, Xukuumadda hadda xilka haysa waxaa la gudboon: Inay iska saxaan khudbadahooda iyo aragtida qaldan ee ay dowladnimada ku maamulayaan, ama Dadka ay u dirsadeen inay u jiheeyaan aragtida dadweynaha taas oo si toos ah uga shaqaynaysa kalagoyn rasmi ah oo qabiilaysan. Inay hagaajiyaan hay’adaha dawladeed oo ay maamulaan calool-ku-garaadlayaal, isla markaasna dhisaan:• Hay’ad sirdoon oo xooggan• Wasaarad arrimo dibadeed oo firfircoon• Ciidan awood u leh inuu difaaco qaranka• Inay qaataan mawqif cad oo ka dhan ah dawladaha sida tooska ah uga shaqeeya taageeridda argaggixisada ama kalagoynta ummaddan, halkii ay iska indhatiraya duullaanka qaawan ee dalka lagu hayo. Maanta, dhabtii, qoraallo dhaadheer looma baahna, cabasho iyo cambaaraynna hadda jawaab uguma filna daandaansiga qaawan ee Israa’iil ee ficil baa loo baahan yahay iyo go’aanno adag oo kudhac leh. Qodobka 4aad: Waajibka Jiilka Cusub Jiilka ku hanaqaaday burburkii dawladnimada ka dib waxaa u yaalla waajib cad: Inay ka waantoobaan, kana dheeraadaan afkaarta sumaysan ee ay abuureen siyaasiyiin aan xilkas ahayn. Inay isu diyaariyaan kacdoon rasmi ah, kana dulqaadaan doqonta maalin walba ku ciyaaraysa masiirka ummadda. Ugu yaraan, qofka aan maanta u diyaarsanayn abaabul iyo kacdoon, af iyo addin midna yuusan kaga qeybqaadan taariikhxumada ay samaynayaan horjoogayaasha maanta jooga. Ilaahayow ma u sheegay, Allow marag! Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites