Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala shaki aad u xooggan ayaa soo kala dhex galay mas’uulliyiinta Soomaaliya iyo xubnaha ka soo jeeda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kala shaki aad u xooggan ayaa soo kala dhex galay mas’uulliyiinta Soomaaliya iyo xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee xilalka ka haya Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa tiraba laba jeer ka cudur daartay in uu la kulmo Xasan Sheekh Maxamuud xalay iyo caawa si looga wada hadlo dagaalka lagu wajahayo aqoonsiga Somaliland. Villa Somalia ayaa tuhunsan in Cabdi Xaashi uu ka meer meerayo in uu dagaalka qayb ka noqdo.
Xaashi ayaa wararku sheegayaan in uu ku dooday in waagii hore lagaga baxay dagaalkii uu kaga soo horjeeday heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale waxa Muqdisho looga yeedhay safiirkii Soomaaliya ee dalka Hindiya Cabdilaahi Odowaa oo ka soo jeeda Somaliland iyada oo looga shakiyey in uu qayb ka ahaa isu-soo dhawaynta Israel iyo Somaliland. Saacadihii la soo dhaafay waxa si weyn loo baahiyey sawir uu Cabdillaahi Odowaa la galay safiirka Israel u fadhiya dalka Hindiya iyada oo la geliyey tuhun aad u xooggan.

Safiir Odowaa waxa uu ka mid ahaa macallimiinta Jaamacadda Hargeysa ka hor intii aanu noqon safiirka dalka Kuwait Soomaaliya u jooga ka dibna aan loo wareejin Hindiya.

Gallaydh TV

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this