Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadaya tallaabo muhiim ah – Maxaa dhacaya berri?

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh-3.webp?fit=2048%2C1365&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah uu hortago Baarlamaanka labadiisa aqal, isaga oo u jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Farriin guud oo loo diray dhammaan Xildhibaanda ayaa waxaa lagu wargeliyay inuu berri jiro kulan aan caadi ahayn oo uu kasoo qayb-geli doono Madaxweynaha, kaas oo looga hadli doono xaaladda soo korortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah khudbaddiisa uga hadli doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, si midnimo iyo wadajir loogu wajaho tallaabada Israel.

“Xildhibaanada sharafta leh, berri oo Axad ah taariikhduna tahay 28.12.2025, waxaa jira kulan wadajir ah labada aqal oo aan caadi ahayn” ayaa lagu yiri yiri farriinta loo diray Xildhibaannada Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ajendaha; warbixinta Madaxweynaha ee ku aadan xaaladda dalka. Waxaa laga codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh inay waqtiga ilaaliyaan”.

Kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa loo baajiyay aqoonsiga Somaliland, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in jawaab ay ka bixin doonaan xadgudubka Israel ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka labadiisa gole uu mowqif cad ka qaadan doono aqoonsiga Israel ee Somaliland, isla markaana uu la tashi soo sameyn doono, si uu shacabka Soomaaliyeed ula yimaado wax ay ku qancaan.

“Maanta arrinta dib ayaan u dhiganeynaa kooramkana waa soo buuxsaneynaa labada aqalna isku mowqif ayay ka noqonayaan, waxaan rabnaa wax ummadda Soomaaliyeed u cuntama inay noo soo baxaan” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Xildhibaan Caasho Koos oo iyana si adag uga hadashay arrinta aqoonsiga ayaa farriin culus u dirtay Somaliland iyo xukuumaddeeda.

“Nin taleefan ku hadlay wax ma bixin karo, hal gantaal oo Yemen laga soo tuuro ayaa ku filan Somaliland” ayay tiri Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeedda Awdal.

Xukuumadda Soomaaliya oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa caddeysay mowqifkeeda, waxaana  go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadaya tallaabo muhiim ah – Maxaa dhacaya berri? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this