Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay dowladda Soomaaliya kaga jawaabtay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shir aan caadi ahayn yeeshay ayaa soo saaray mowqifkooda ku aadan go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay si buuxda u diiday tahay, sharci darrona ay u aragto go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, islamarkaana aan dalkeeda sinaba loo kala qaybin karin.

Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in ay taallaabada Israa’iil qaaday khatar ku tahay nabadgelyada gobolka, badda cas, bariga dhexe iyo gacanka cadmeed, ayna dhiiragelinayso kooxaha argagixisada.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay taageersan tahay xuquuqda shacabka Falastiin ayna diidan tahay barakin khasab ah iyo isbadal sharci darro ah oo lagu sameeyo qaab-dhismeedka dadkaas.

Waxa kale oo dowladda Soomaaliya sheegtay in ay si adag u diiday tahay in dhulkeeda laga sameeyo saldhigyo ciidan.

1000111568-1018x1440.jpg 1000111569-1018x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this