Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirinta codadka doorashada oo ka socota xarunta Guddiga Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda doorashada dalka ayaa galay weji cusub ka dib markii si rasmi ah loo soo xiray goobihii codbixinta, waxaana hadda si habsami leh u socota tirinta codadka ay dhiibtaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa xaqiijiyay in doorashadu ay ku soo dhammaatay jawi nabad ah, haddana lagu guda jiro wejigii ugu dambeeyay ee kala saarista codadka.

Guud ahaan waxaa lagu soo xareeyay sanaadiiqda cod bixinta goobihii loogu talagalay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this