Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee marayaa dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo 10 sano kadib?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1765554821785.jpg

Puntland oo ka warbixisay dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa sheegtay in la dhisay ku dhawaad 70-km oo ka mid ah wadadaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhismaha wadadan ayaa tilmaamay in la gaaray 70-km oo isugu jirta in laami la saaray iyo in shaqo ka socoto.

Guddoomiye Cabdirisaaq wuxuu xusay in dhamaadka wajiga labaad ee dhismaha wadadan ay ka harsan tahay 18-km, kaas oo ku eg magaalada Badhan.

“Wajiga labaad waxaa laami la saaray ilaa deegaanka Rad, waxaana shaqo ka socotaa ilaa deegaanka Gumar, taas oo u dhiganta in 70-km la diyaarshay. Dhamaadka wajiga 2-aad ee ilaa Badhan waxaa ka haray 18-km” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

Dhismaha wadada Ceeldaahir–Ceerigaabo ayaa la bilaabay 2015, markaas oo uu hoggaanka Puntland hayay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this