Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo waaran u jartay taliye hore oo ku sugan Raascasayr

Recommended Posts

Deeq A.   
1000103851-1440x1080.jpg

Puntland ayaa waaran soo qabasho ah u jartay taliyihii hore ee howlgalinta ciidamada PMPF ee gobolka Raascasayr Axmed Maxamed Jaamac (Jidgooyo), iyada oo lagu eedeeyay burcadnimo iyo dhac hanti dowladeed.

Xeer-ilaayaha guud ee dowladda Puntland Axmed Taaraan ayaa warqad uu soo saaray ku amray taliyaha booliska Puntland in uu soo qabto Axmed Jidgooyo oo la sheegay in uu ku sugan yahay gobolka Raascasayr, gaar ahaan degmada Bareeda.

Degmada Bareeda waxaa dhawaan lagu dhacay qayb ka mid ah hub hore looga dejiyay markabkii Sea World oo markaan la doonayay in lagu wareejiyo madaxtooyada Puntland.

Hubka oo laga soo iibiyay dadkii deegaanka ee hore u dhacay ayay la wareegeen ciidamo ka soo gadooday buuraha Calmiskaad, sida wareysi uu bixiyay ku sheegay Axmed Jidgooyo oo isagu iska fogeeyay in uu wax lug ah ku leeyahay dhacaas.

1000103834.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this