Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka soo dagaalamay Calmiskaad oo gadooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka soo dagaalamay buuraha Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay degmada Carmo, iyaga oo muujiyay cabasho ay u qabaan maamulka.

Ciidamadan oo dhawaan tababar ku soo qaatay degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay in ay ka cabanayaan musuqmaasuq iyo eex lagu sameeyay wixii ay xaqa ugu lahaayeen dowladda.

Waxay ku dhawaaqeen in ay ka madax bannaan yihiin dawladda inta laga saxayo cabashadooda, islamrkaasna hab isku tashi ah kaga hawlgalayaan deegaannada Calmiskaad iyo la dagaalanka Daacish.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this